Puntland oo War kasoo saartay Gabar yar oo Boolisku ay dileen

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka hadlay Gabar yar oo u dhimatay dhaawac culus oo kasoo gaaray rasaas ay dhawaan Ciidamada Booliska ku rideen dad banaanbax looga cabanayay diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga iyo sicirka bararka ka dhigayay 26-kii Bishii la soo dhaafay ee December Magaalada garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Gabadha yar oo meydkeeda ay diiden ehelada in la aaso ilaa xukuumadda Puntland ay dusha saarato eeda dilka iyo inay jawaab  ka bixiso ayaa ugu dambeyn shalay la Aasay, kadib markii puntland golaatay bixinta magta Gabasha.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdi samad Maxamed Galan ayaa qoraal kasoo baxay Xafiiskiisa lana ogeeysiiyay Wasaaradda maaliyadda Puntland iyo Qoska Gabadha waxaa lagu sheegay in Puntland ay biixn doonto magta Gabasha ku dhimatay rasaasta ay fureen Ciidamada.

Marka laga soot ago qoraalkaan Puntland ay ku sheegtay in la bixinayo magta Gabadha la dilay ayaa ahadana puntland aysan wax jawaab ah ka bixin codsigii ka yimid Ehellada Gabadha ee ahaa in sharciga loo mariyo askartii dilka u gaystay gabadhooda.