Amar lagu soo rogay dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee ku sugan Cabudwaaq

Maamulka Degmada Caabudwaaq ee Galmudug ayaa dadka deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee Degmadaasi ku nool ku amray in ay isdiwaan geliyaan si dhaq dhaqaaqooda loola socdo.

Arrintaan ayaa la sheegay in maamulka degmadaasi uga gol leeyahay Sugidda Amniga Magaalada Caabudwaaq, iyada oo lagu amray dadkaasi inay si deg deg ah usku diiwaangeliyaan.

Dadka kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed weli wax jawaab ah kama bixin marka Maamulka degmada Cabudwaaq uu kusoo rogay ee ah inay is diiwaangeliyaan.

Degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay kamid tahay meelaha ugu amniga wanaagsan  gobolka Galgaduud, in kastoo mararka qaar ka dhacaan colaad beeleedyo.