Hindiya oo Safiir Cusub u soo Magacaabatay Soomaaliya

Dowladda Hindiya ayaa ku dhawaaqday inay bedeshay safiirkii u joogay Soomaaliya, isla markaana ay safiir Cusub soo magacaawday Soomaaliya, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaas.

Wakaaladda Wararka ANI ayaa shaacisay in Dowladda Hindiya ay  Dr Virander Kumar Paul  u Wakiilatay in uu noqdo Danjiraha Cusub ee u fadhin doona Soomaaliya, kadib markii uu kasoo baxay dhamaan shuruudihii Waaxda Arrimaha Dibadda.

Safiirka Cusub ee Hindiya u soo magacaawday  Soomaaliya ayaa waxaa uu horay u ahaa Safiirka Hindiya ee Kenya, xilkaas oo loo Magacaabay Bishii Agoosto ee sanadkii la soo dhaafay ee 2020.

Safiirka Cusub ayaa waxaa uu bedelayaa Safiirka u fadhiyay Hindiya Soomaaliya Rahul Chhabra oo tan iyo December, 2018-kii ahaa ergayga Hindiya ee Soomaaliya.

Sidoo kale Safiirka Cusub ee Hindiya u soo magacaawday  Soomaaliya Dr Virander Kumar Paul  ayaa waxaa la sheegay in uu leeyahay waaya aragnimo dhinaca diblumaasiyadda ah, waxaana uu horay uga soo Shaqeeyay dalalka Romania iyo Moldova.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in safiirka Cusub ee Hidniya u soo Magacaawday Soomaaliya uu soo gaaro Magaalada Muqdisho, si uu warqadaha aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyo Wasaaradda arrimaha Dibadda & Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.