Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland ahna ku simaha Madaxweynaha Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada Jubbaland, Waxaana shirka qayb ka ahaa Madaxwayne ku-xigeeenka 2-aad ee Dawlad Goboleedka Jubbaland Cabdulkhaadir Xaaji Maxamuud.
Ugu horayn madaxweyne kuxigeenka ayaa kawarbixiyay xaaladda Amniga iyo siyaasadda ee guud ahaan dalka gaar ahaan Degaannada dowlad goboleedka Jubbaland.
Waxaa sidoo kale warbixin looga dhageestay qaar kamid ah wasaaradaha dowlad goboleedka jubaland o ay ugu horayso Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland oo kawarbixisay Hawlaha Shaqo ee wasaaradda sidoo kalena gudbisay Saddex xeer oo lagu hormarinaayo Ganacsiga Jubbaland kuwaas oo looga doodi doono shirarka danbe.
Sidoo kale Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Qeyraadka Badda Jubbaland iyo Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Jubbaland ayaa qayb ka ahaa wasaaradaha warbixinta laga dhagaystay.