DEG DEG:- Dagaal culus oo ka socda degmada Walanweyn

Wararka naga soo gaaraya degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in uu halkaasi goordhow ka bilaawday dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan Maamulka degmada.

Dad ku sugan Walanweyn ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu ka socdo Xaafada Muuri ee degmadaas, isla markaana uu u dhaxeeyo Ciidamo ay kala wataan guddoomiyaha degmada Walanweyn Maxamed Siidow Yaxye & Guddoomiye kuxigeenka  Arrimaha Bulshada ee dhawaan loo soo Magacaabay degmadaas.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkooda uu salka ku haayo Arrimo la xiriira lacagaha Canshuurta ah oo lagu murmay in laga qaado degmada iyo in aan laga qaadin.

Waxaa jira khasaaro ka dhashay dagaalka oo weli ka socda degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose oo dhowr jeer ay ka dhaceen dagaal Beeleedyo.