Dhalinyaro Caanka ah Tiktok oo Shil ku geeriyooday

Sida ay ku soo waramayaan weriyaal ku sugan dalka Kenya waxaa shil gaari galay dhalinyaro Soomaali ah, oo u badan kuwa caan ka ah baraha bulshada gaar ahaan Tiktok iyo YouTube waxaana la soo sheegayaa in ay jirto dhimasho iyo dhaawac.
In kastoo aan la heyn xogta rasmiga ah hadane waxey wararku ugu badan sheegayaan in dhimashadu gaareyso 6 qof oo kala ah 5 wiil iyo hal gabar lagu Magacaabo muniisha Bbe.
Dhalinyarada shilka gashay ayaa dalxiis ahaan uga baxay Nairobi waxeyna ku sii socdeen goobo loo dalxiis tago oo ku dhow Nairobi.