Guddiga doorashooyinka Musharixiinta oo War soo saaray

Guddiga Badbaadada doorashooyinka qaran ee Midowga Musharixiinta ayaa maanta shirkiisii caadiga ahaa ku qabsaday Mogadishu, wuxuuna kasoo saaray go’aamadan.

1) Waxaan cambaaraynaynaa go’aan walba oo hal dhinac ah, loona qaado doorasho aan loo dhamayn.

2)Dalkan waa dal nugul una baahan in loo turo sidaa daraadeed waxaan cambaaraynaynaa bayaankii shalay kasoo baxay Xukuumada iyo Maamulada Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed.

3) Guddigu wuxuu qaadi doonaa tallabooyin ku haboon tallaaba walba oo lagu baalmarayo saraynta sharciga, dastuurka iyo midnimada Soomaliya.