Guddoomiyaha Aqalka sare oo jawaab ka bixiyay go’aankii Xukuumadda kuna dhawaaqay..

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ka hadlay go’aankii ay shalay sidawadajirka ah u gaareen xukuumadda Soomaaliya & Madaxweynayaasha Maamulada, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa lagu sheegay in ay nasiib darro tahay in Xukuumadda Soomaaliya ay ku dhawaaqdo in dalka galayo doorashao, iyada oo aan weli wax xal ah laga gaarin tabashooyinka laga keenay guddiyada doorashooyinka gobolada waqooyi, khilaafka ka taagan gobolka Gedo iyo habraacyada heshiiskii 17-kii Bisii Setember lagu gaaray Magaalada  Muqdisho.

“ Anaga oo tixraqaceynoo shirkii jaraa’id oo ay shalay qabteen Ra’iisul Wasaaraha & Madaxweynaha Galmudug , waxaanu halkan ku Cadeeyneynaa in haba yaraatee aysan waxba kajirin hadalka Madaxwayne Qoor Qoor ee ah in naloo soo celiyey jawaab tanaasul ku jiro, shirkii Garoowe kadib majirto cid noola timid wax heshiis iyo wada hadal ah ayuu lagu yiri” Qoraalka Guddoomiye Cabdi Xaashi!

Sidoo kale guddoomiyaha Aqalka sare ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalata hadii la qabto doorasho aan hehsiis lagu aheyn ama dalka oo dhan aan laga qabaneyn, taas oo hadii la qabto dhabarjab ku noqoneyso midnimada dalka, wadajirka ummadda iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Warkaan kasoo baxay guddoomiyaha Aqalka sare ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ay dhankooda kasoo horjeesteen Go’aankii Xukuumadda & Saddexda Dowlad Goboleed, iyaga oo sheegay in go’aankaas oo Qatar ku yahay Midnimada Soomaaliya.