Midowga Musharixiinta oo War culus soo saaray kuna dhawaaqay…

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa cambaareeyay go’aanka ay xukuumadda federaalka ku sheegtay qabashada doorasho hal dhinac ah oo aan loo dhammeyn.

Qoraal ay soo saareen Musharixiinta ayaa waxaa ay ku sheegeen in go’aankaas uu yahay mid lagu xirayo Albaabkii wada-hadallada ee lagu xalinta lahaa khilaafka doorashooyinka.

Ugu dambeyn waxaa ay ku baaqeen inay Shir isugu yimaadaan Madaxda Dowladda Soomaaliya Dowlad Goboleedyada iyo Midowga Musharixiinta si ay uga wada tashadaan Arrimaha Arrimaha doorashooyinka ee uu khiaafka xoogan ka taagan yahay.