Puntland oo Guddi u saartay arrin xasaasi ah oo taagan

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta Shir-guddoominayay  kulan gaar ah oo looga hadlayay xal u helida cabashooyinka la xiriira shillin Soomaaliga.

Kulanka waxaa ka qeyb-galay Madaxweyne  Ku-Xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Sanetor Cabdiraxmaan Faroole, Masuuliyiinta Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta, Bangiga, Wasiiradii hore ee Maaliyadda Faarax Cali Shire iyo Cabdullaahi Shiikh.

Sidoo kale waxaa kulanka  ka qeybgalay Khuburo ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha, La taliyeyaal Madaxweyne , Saraakiil Madaxtooyo, Taliska Ciidamada Booliska, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Gobolka Nugaal.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland  Xasan Shire Abgaal, ayaa sheegay in xal u helida cabashada lacagta Shillinka Soomaaliga oo waayadaan laga diidayay degaannada Puntland Guddi loo saaray.

Waxaa uu sheegay in Guddiga uu guddoomiye ka yahay Madaxweynihii hore ee Puntland Sanetor Cabdiraxmaan Faroole ayna kamid yihiin Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland Profeysat Samatar iyo Xubno kale.

Ugu dambeyn waxaa u sheegay in xubnaha Guddiga muddo Saddex maalmood ah lag sugayo jawaab xal u noqon karta cabashada keentay diidmada lacagta shillinka Soomaaliga.

Bilihii la soo dhaafay waxaa degmooyinka iyo degaannada Puntland ka taagnaa cabasho la xiriira diidmada lacagta Shillinka Soomaaliga, waxaana dhacay dibadbaxyo ay Bulshada ku dalbanayeen inay Xukuumadda waxka qabato