XOG: Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo horleh geyneysa Magaalada Beledweyne

Ciidamo kale oo Dheeraad ah oo ka tirsan Haramcad ayaa la filayaa ineey maanta  Gaaraan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Xilli shalay Dowlada Soomaliya ay Garoonka Diyaaradaha Ugaas khalif ee Magaalada Beledweyne ka dejiyey Ciidamo Haramcad ah oo Gaaraya illaa 115 Askari,

Balse maanta ayaa lafilayaa ilaa 100 Askari oo Dheeraad ah in la geeyo Magaalada Beledweyne oo Ciidamada sida Gaarka u Tababaran ee  loo yaqaano Haramcadka.

Ciidanka Haramcad ayaa saabaha Beledweyne loo geynaayo waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana loo badinayaa inay tahay sugida Amniga doorashooyinka oo dhawaan ka bilaabanaya Beledweyne.