Afhayeenka Al-Shabaab oo amray in la dilo mas’uul ka tirsan Maamulka Puntland

Af-hayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage, oo loo yaqaan Cali Dheere, ayaa cod laga soo duubay ku amray in la dilo Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland, Cabdilladiif Muuse Nuur (Sanyare).
Cali Dheere, wuxu sheegay in aysan marna u dulqaadan Karin dagaalka Guddoomiye Sanyare ku hayo  Al-shabaab, sidaas darteedna uu amar ku bixiyay in meeshii lagu arko lagu dilo Guddoomiyaha Gobolka Mudug.
Sidoo kale, wuxu tilmaamay in Gobolka Mudug uusan soo marin nin sidaas ay uga go’antahay La-dagaallanka Al-shabaab, islamarkaana doonaya in uu masaajidda ka ugaarsado dagaallamayaasha kooxda.
Afhayeenka Al-shabaab, ayaa sidoo kale sheegay in Guddoomiye Sanyare uu Culimaa’udiinka masaajidda ku dirqinayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, taasina muujinayso halka uu gaarsiisanyahay dagaalkiisa.