Ciidamada AMISOM oo ishor-istaag ku sameeyay Guddoomiyaha degmada Beledweye

Ciidamada Amisom ayaa saaki is horistaag ku Sameyay Gudoomiyaha degmada baladweyne Cismaan dhiscow dhuubow oo Doonayay inu Garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif kusoo dhaweeyo Wafdi Xildhibaano ah.
Wararka ayaa sheegayo in Ciidamada Jabuuti Amisom ay diideen inu Gudoomiyaha Degmada Galo Garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif islamarkaan ay ku Amareen in u ka laabto Garoonka taaso keentay inu Soo laabto Gudoomiye Dhicisow.
dhan kale Gudoomiyaha degmada ayaa warbaahinta ka wacay Xafiiska si faafahin ugu bixiyo Sababta keentay asigoo Gudoomiye Degmo ah in loo diido Galida Garoonka diyaaradaha.
Dhowr jeer oo hore Ciidamada jabuuti ayaa Masuliyiin kaTirsan Maamulka Gobolka Hiiraan u diiday Garoonka diyaaradaha hayeeshee Xaalada ay si hoose loo Xalin jiray.