Dhimasho & dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax Miino ayaa goor dhow lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya oo marayay agagaarka Xoosh degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.

Ciidanka Qaraxa lala eegtay ayaa ka yimid dhanka degmada Kaxda, waxaana ay kusoo jeedeen gudaha Magaalada.

5 Askari ayaa ku dhimatay Qarax Taliyaha Degmada Kaxda Iyo Ciidamo la Socday Lagula Eegtay Inta u dhaxeysa Xoosh Iyo Suuq Liif

Sidoo kale Ciidanka Qaraxa La Kulmay ayaa dilay Laba Ruux oo Shacab ahaa kuwaa oo mid kamid ah uu ahaa Mootoole.

Qaraxyada miino ayaa maalmahaan kusoo batay Magaalada Muqdisho, iyada laamaha Amniga Soomaaliya aysan weli faah faahin ka bixin.