Diyaarad dul heehaabeysa Caawa Hawada Muqdisho

Caawa Magaalada Muqdisho waxaa Dul heehaabaysa Diyaarad ka mid ah Diyaaradaha Ciimada Maraykanka oo ah Nuucyada aadka u Awooda badan Dhamaan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa Guuxeeda laga maqlayaa waxa ayna ku socotaa Joog hoose.

Ilaa hada lama oga Howsha Diyaaradani hayso balse waxa ay ku soo aadaysaa Xili Dalka ay ka jirto Jaha Warner Siyaasadeed.

Wararka qaar ee la helay ayaa sheegaya in Diyaaradaha ay laba yihiin, isla markaana laga leeyahay dalka Mareylanka sidoo kalena Hawada Sare ay shidaal ku qaadanayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin Guuxa xoogan ee diyaaradaha oo Caawa lagu arkay Hawada Magaalada Muqdisho.