Kulan Muqdisho uga socdo Midowga Musharixiinta

Golaha Midowga Musharixiinta oo uu ka mid yahay madaxweyne hore Hassan Sheikh Mohamud ayaa imika kulan ku leh magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ay uga arinsanayaan xaaladdihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo caqabadaha weli ku hor gudban doorasho heshiis lagu yahay oo dalka ka dhacda.

Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay siweyn uga soo horjeedaan go’aankii Xukuumadda ee ahaa in la qabanayo doorasho hal dhinac ah, iyaga oo walaac badan qaba.