Puntland oo bilaawday Arrimo xasaasi ah xilli ay jiraan Colaad Beeleedyo

Maamulka Puntland ayaa bilaabay dadaalo xal loogu raadinayo laba maleeshiyo Beeleed oo dagaalo khasaaro geystay uu ku dhex-maray dhul Miyi ah oo ku yaal degmada Isku-shuban ee gobolka Bari.

Colaada labada Beelood ayaa waxaa la sheegay inay salka ku heyso Ceel la doonayo in laga qodo degaanka Kurtumo oo 18 dhinaca Koonfur Bari  kaxiga degmada Isku-shuban ee gobolka Bari.

Duqa degmada Isku ShubanMaxamuud Ismaaciil Ciise  ayaa sheegay in amniga goobaha lagu dagaalamay ay la wareegeen Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Maamulka Puntland, isla markaana xilligaan uusan jirin wax dagaal ah oo ka socda.

Guddoomiyaha oo la hadlay Idaacadda BBC-da waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan, iyaga oo kaashanaya Odayaasha dhaqanka degmada inay bilaabeen dadaalo lagu xalinto Colaad beleedyada, isla markaana uu rajeynayo in guulo laga gaaro.

Dagaalka oo muddo laba Maalin oo isku-xiga ka dhacay degaanka Kurtumo ee gobolka Bari ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen 6 ruux in ka badan 10 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo isugu jira dhinacyada dagaamay iyo Dad Shacab ah.