Soomaaliya iyo Japan oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya dalka Djibiuti mudane Salaad Cali Jeelle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Japan u fadhiya dalka Djibouti.

Labada safiir ayaa ka wada hadlay arrimaha gobolka geeska Africa, gaar ahaan Xaaladda Soomaaliya horumarada amaanka iyo dib u-dhiska Soomaaliya.

Ambassador Salaad Cali Jeelle ayaa uga warbixiyay safiirka Japan horumarada ka socda Soomaaliya sida arrimaha doorashooyinka.

Safiirka dowladda Japan u-fadhiya dalka Djibouti ayaa dhankiisu amaanay dadaalada horumarka leh ee ay sameyneyso dowladda Soomaaliya.