Madaxweynaha Puntland oo kala diray Golaha degaanka Gaalkacyo

0
1

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 01, ku kala diray Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland qodobkiisa 123‐aad, farqaddiisa 4-aad.

Markuu arkay: Xeerka maamulka degmooyinka iyo Gobolada (Lr – 7 ) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad, farqaddiisa 5-aad

Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Puntland

Markuu tixgeliyey: Gun-gaarka Maxkamadda Sare ee ku saabsan kala dirista Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo.

Wuxuu Xeeriyey :-

1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo

2. Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.