Midowga Musharixiinta oo qoraal xasaasi ah u diray Beesha Caalamka

Golaha Midowga Musharixiinta Ayaa qoraal La wadaagay Beesha caalamka kaasoo ku Saabsan cabashadooda ku aadan Hanaanka Dowladu umaamuleyso Doorashada Dalka.
Qoraalka Midowga Musharixiinta kasoo Baxay ayaa lagu sheegay in goluhu diyaar uyihiin ka qeybgalka nidaam doorasho oo xor iyo xalaal ah , sido kale golaha ayaa sheegay in doorasho dalka qeyb kamida ka dhacda ay dhibaato ku tahay wadanka.
Gaban gabadii qoraalka midowga musharixiinta ay la wadaageen beesha caalamka ayaa lagu yiri waan sii wadi doonaa isla xisabtanka ilaa hananka doorashadu ka noqonayo mid cadaalad ah.