Weerar ka dhacay Kismaayo iyo khasaaro ka dhashay

Ciidamada ammaanka ayaa xalay ilaa saakay baaritaano dhalin badan lagu soo qabtay waxaa ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo, kadib markii bambo gacmeed xalay lagu weeray bar kontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamada Jubbaland

Inta la ogyahay hal askari iyo saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay weerarka.

Goobjoogayaal ayaa soo sheegay in ciidamada ammaanka ay xireen dhalin yaro badan oo lala xiriirinayo in ay ka tirsan kooxda Al-shabaab, kuwaas oo falal amni darro ka geysta Magaalada Kismaayo.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Jubbaland.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa faraha ka baxay maalmihii dambe, kadib markii ay k