Haween hubeysan oo ku dhawaaqay inay kasoo horjeedaan Maamulka Hir-Shabeelle

Qaar Kamid ah Haweenka Beesha Makanne oo Ku Hubeysan Qoryaha Fudud ayaa Maanta Soo Bandhigay Dhoolatus ay Ku Dhiiragalinayeen Ragooda Jabahada ah Ee uu Hogaamiyo Macallin Xeydar.

Dumarkan oo Warbaahinta Lahadlay ayaa Sheegay Ineey Ka Go,antahay Raadinta Xuquuq ay Sheegeen Ineey ugu Maqantahay Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Macallin Xeydar oo ahaa Sargaal Katirsanaa Ciidankii Militariga ee Dowladii Kacaanka Islamarkaana Kasoo Jeedo Beesha Makanne ayaa Bishii Tagtay Soo Bandhigay Maleeshiyaad Daacad u ah Kuwaas oo uu Sheegay inuu Kula Dagaalami Doono Maamulka Hirshabeelle Hadii aysan Siinin Saami uu Sheegay inuu Xaq ahaan u Leeyahay.