Qoor Qoor & Cali Guudlaawe oo dalab cusub ka helay Wasiirada Beesha Hawiye

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa caawa kulan la qaatay Wasiirada/ Kuxigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha ugu jira Beesha Hawiye Xukuumadda. Labada dhinac ayaa ka hadlay xaaladaha siyaasadeed, amniga, doorashooyinka ee deegaanada ay matalaan oo xilligan ka mid ah meelaha ugu liita ee xaaladahooda amni, horumar iyo adeegyo aas aasi

Arrimaha ugu weyn ee diiradda la saaray ayaa waxaa ka mid ah sidii amniga looga shaqeyn lahaa, doorashooyinka soo socda si ammaan uga dhici lahaayeen.

Wasiirada ayaa ka dalbaday Madaxweynayaasha labada dowlad Goboleed inay raadiyaan xuquuqda matalaadda Gobolka Banaadir, iyagoo ka faa’ideysanaya u dhowaanshahooda xilligan ee Dowladda Federaalka, inkastoo heshiiskii doorashada ee lagu saxiixay Muqdisho 17 September 2020 aanu qeyb ka aheyn arrinta Matalaada Gobolka Banaadir oo aan haba yaraatee heshiiskaas lagu soo darin.