Wararkii uyu dambeeyay qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Miino oo dhulka la geliyay ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Suuq-yaraha Xamar Jajab iyo isgoyska Ceel-gaabta mana jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay.

Saraakiisha amniga ayaa ii sheegay in afka hore ama koofanaha ka haleeshay gaari halkaas marayay balse aysan wax gaarin dadkii saarnaa.

Waa markii ugu horeysay uu halkaas ka dhaco Qarax waana wadada kaliya ee marinka u ah madaxda Qaranka xiliyada ay safrayaan ama ay soo dagayaan.