Weerar jidgal ah oo lagu qaaday Kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Shabeellaha Hoose

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar qarax loo adeegsaday oo lagu qaaday Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Sidii iyo Saraakiil kale.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha oo ay wehlinayeen Saraakiil isugu jira kuwa Millateriga Soomaaliya, kuwa Bangaraafta iyo Saraakiil Mareykan ah ayaa waxaa weerar qarax ku bilaawday lagu qaaday xilli ay marayeen meel u dhow degaanka Warmaxan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo ku wajahnaa degmada Walanweyn oo ay Colaad Beeleedyo kairsan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in ay maqlayeen dhawaqa qaraxa iyo dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada iyo Saraakiisha la socday Guddoomiyaja Shabeellaha Hoose iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Wararka horudhaca ah ee la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in weerarkaas uu ku dhintay hal Cadaan ah laba kalena ay ku dhaawacmeen halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen Taliyaha Guutada lixaad ee Ciidanka Millateriga iyo Taliyaha Ciidanka DANAB ee  Mareykanka uu tababaray, kuwaas oo Saldhig weyn ku leh Garoonka Balli-doogle.

Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Sidii iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda weli kama hadlin weerarkaasi lagu qaaday Kolonyada ay la socdeen.