Xildhibaan sheegay in Dhalinyaradii loo qaaday Erateriya ay dagaal ku dhinteen

Boqolaal kamid ah askarta ay dowladda Soomaaliya ugu dirtay Eritrea in ay tababar kusoo qaataan dalkaas ayaa ka qeybgalay dagaalkii Tigray, sidda uu qiray Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah baarlamaanka Waqtigiisu dhamaaday.

Mudanaha ayaa sheegay inla soo xiriiray loona xaqiijiyay in dhalinyarada tababarka loo qaaday ay ahayd 3,000 hadana laga arkay 180 dhaawac sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa ila soo xariiray dad badan oo isugu jira ehel iyo asxaab, sanad ka horna caruurtooda dalka Eratareeya loo qaaday nolol iyo geerina aan meel lagu sheegin” ayuu bartiisa Internetka ku daabacay Mudanaha ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

“Mid ka mid ah caruurtaas oo maalmo kahor la soo xiriiray eheladiisa wuxuu sheegay in la geeyay magaalada Mekele ee Gobolka Tigreega ayna ka qayb galeen dagaalkii halkaas ka socday, wuxuuna sheegay in tiradoodu ahayd 3,000 hadana wax nool uu ka arkay 180 dhaawac ah oo isagu ku jiro” Xildhibaan Mahad Salaad.

Mahad Salaad oo wax lagu xumaado ku tilmaamay in dhalinyaro Soomaaliyeed ay ka qayb qaataan dagaalka Waqooyiga Itoobiya ayaa ugu baaqay Musharixiinta Mucaaradka ah, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta in ay gacan siiyaan walidiinta caruurtoodu ka maqantahay sidii ay u heli lahaayeen “nolol iyo geeri mid uun”.

“Waa arin aad u foolxun, murugo iyo uurkutaalana ku beertay ehelada caruurtooda lagu xasuuqay dagaalka Itoobiya ka holcaya. Waxaan ugu baaqayaa Musharaxiinta, Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka iyo Siyaasiinta in gacan la siiyo waalidiinta caruurtaas dhalay oo lala  baadi-goobo caruurtooda nolol iyo geeri mid uun!” ayuu yiri.

Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo askarta ugu dirtey Eritrea qaab loogu yeeray qarsoodi ah ayaan wali ka jawaabin wararka isa soo taraya iyo walaaca ay qabaan waalidiinta caruurtooda aan war kahayn mudo ku siman 6 bilood, iyada oo Hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA ay maamuleysay qaadista ciidamadan loo diray Eritrea sida ay xaqiijiyeen ilo dhanka amaanka ah.