Al-Shabaab oo la wareegay degaan ay ka baxeen Ciidamada Amisom

Degaanka ay Ciidamada AMISOM isaga baxeen ayaa waxaa lagu Magacaabaa Mashallaaye, waxaana uu ku yaal inta u dhaxeysa degmooyinka Qoryooleey iyo Buulo-Mareer ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen inay si nabad ah kula wareegeen degaanka Mashallaaye, kadib markii ay isaga baxeen Ciidamada AMISOM.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in ka hor inta aysan degaanka tegin Al-Shabaab ay dadka degaanka ku qamaameen Xeradii ay ka baxeen Ciidmada AMISOM, iyaga oo ka qaatay qalab ay uga tagee.n

Ciidmada AMISOM ayaa muddo ka badan Lix Sano waxaa ay gacanta ku hayeen degaanka Mashallaaye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo mararka qaar weeraro kala kulmi jiray Al-Shabaab