Kulan u socdo Taliyaha NISA & Madaxweynaha Hirshabeelle

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa hadda kulan kula leh Xarunta Hey’adda Nabadsugida Qaranka Taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

Arrimaha kulankan looga hadlayo ayaa ka mid ah doorashooyinka oo uu is mari waa ka taagan yahay, iyadoo Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihii Awoodda badan ee NISA ay dadaal uga jiraan sidii dowlad goboleedyada taabacsan uga qabsoomi laheyd doorashada Aqalka Sare ka hor 8 February.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa noqonaya Madaxweynihii Seddexaad ee Dowlad Goboleedyada taabacsan DF oo xarunta Nabadsugidda ugu taga Taliyaha Nabadsugidda, waxaan sidaan oo kale horrey Taliska Nabadsugidda loogu qaabilay Madaxweyne Qoor-Qoor iyo Madaxweyne Lafta-gareen.

Taliyaha Nabadsugida oo ah gacanta midig ee Madaxweyne Farmaajo ayaa Mas’uuliyiinta Dowladda qaarkeed kulamada kula qaata xafiiskiisa.