Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo qarax lagula eegtay Muqdisho

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa Gaariga Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Maxamed Cabdullaahi Cariif lagula eegtay halka loo yaqaano Isgoyska Xaafada Jiira Garoob oo ku taal inta u dhaxeysa Isgoysyada Fagax iyo Towfiiq

Qaraxa miino ayaa waxaa la sheegay in uu qabsatay gaariga Guddoomiyaha, iyada oo ay warar kala duwan kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in qaar kamid ah ilaalada Guddoomiyaha Yaaqshiid ay qaraxa ku dhaawacmeen, isla markaana mid kamid ah dhaawaciisana uu culus yahay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka qaraxa miino uu ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo baaritaano ah.

Dhowr jeer ayaa meelo kamid ah Magaalada Muqdisho ayaa waxaa qarax miino lagula eegtay Guddoomiyihii hore ee degmada Yaaqshiid, isla markaana uu ka badbaaday.