Madaxweyne Cali Guudlaawe oo kulamo ka wada Muqdisho xilli xaalad adag kajirto Hir-Shabeelle

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Gudlaawe Hussein ayaa galabta hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Sharif Sheikh Ahmed.

Kulankaan ayaa ahaa salaan iyo is xog wareysi waxaana looga hadlay xaaladaha guud ee dalka, gaar ahaan deegaanada Hirshabeelle.

Kulankaan ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa sidii looga gudbi lahaa marxalada doorasho ee dalka uu ku jiro.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xaalado adag oo Amniga ugu weyn yahay ay kajirto degaannada Maamulka Hir-Shabeelle