Trump iyo Xaaskiisa oo isaga guuray Aqalka Cad

Madaxweynaha waqtigiisu dhaamaday ee Donald Trump ayaa  isaga guuray aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka isagoo ay wehlinayso Xaaskiisa Melania Trump.

Trump iyo Xaaskiisa ayaa iminka ku siijeeda xarunta ciidanka ee Joint Base Andrews halkaas oo uu ka jeedin doono qudbadiisa ugu dambaysay ee sagootinta.

Dhanka kale Warbaahinta Maraykanka ayaa tabinaysa in Donald Trump uu diiday in uu ka qayb galo caleemasaarka madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.