Waxaa Goorshow Saldhiga Booliska Magaalada Dhuusamareeb Lagu Xiray Labada Wariye ee Kala ah Maxamed Cabdiwali Tooxow iyo Cabdulaahi Warsame Rooble.
Wariyaashaan ayaa maanta muuqaal ay soo duubeen ku sheegay in dil iyo xarig ay ugu hanjabtay madaxtooyada Galmudug
Wariyeyaashaan la xiray ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay tebinayeen warar ka dhan ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo degaano ay weerareen dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.