Ciidamada dowladda oo degaano dagaal kula wareegay

Ciidamada Guutada 15aad ee Taliska Qeybta 21aad  oo kaashanaya Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa holwgallo qorsheyan ka fuliyay degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa intii ay howlgalka kujireen waxaa ay dagaal kooban kula galeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab degaanka Ilguule, halkaas oo ay ku sugnaayeen in muddo ah Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada guutada 15aad ee Taliska Qeybta 21aad ayaa waxaa ay sheegeen in ay siweyn u xaqiijiyeen amniga degaanka Ilguule, isla markaana ay ka saareen Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen inay hhowlgallada siiwadi doonaan ilaa iyo inta ay Al-Shabaab ka saarayaan degaannada hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa kajiray dilal aanooyin qabiil ah iyo Afduub loo geysanayay dad shacaba ah.