Xildhibaano hal Arrin ku cadaadinaya yuusuf Dabageed

Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa Maanta Beledweyne kulan kula yeeshay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo shalay gaaray halkaas.

Xildhibaannada Hir-Shabeelle oo ah kuwa kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa Madaxweyne kuxigeenka waxaa ay kala hadleen dardar gelinta howlaha horyaala Xilibaanada maadaama xaalado kala duwan ay kajiraan Hir-Shabeelle.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa ay labada dhinac uga wada hadleen sidii uga wada qeyb qaadan lahaayeen xaliinta tabashoyinka laga qabo Dhismihi labaad ee maamulka Hirshabelle.

Dhinaca kale wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xildhibibaannada ka tirsan Maamulka hir-Shabeelle la filayo inay ka kulmaan Janeraal Xuud oo maleeshiyaad farabadan ku heysta duleedka Beleweyne, kuwaas oo kasoo horjeeda doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar.