Akhriso Magacyada 5 Ruux oo loo qabtay dil ka dhacay Galgaduud

Ciidamada  Ammaanka  Dagmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud oo  kuwa Maamulka Degmada Balanballe ayaa sameeyay howlgallo qorsheysan oo lagu soo qabtay shan Ruux oo lagu eedeynayo dil dhawaan ka dhacay duleedka Cabudwaaq.

Dadka Ciidamada qabteen ayaa waxaa lagu eedeynayaa dilka FaadhigeIbraahinAxmedDhageey oo kamid ahaa Ganacsatada Degmada Caabudwaaq, isla markaana maalmihii la soo dhaafay ay ciidamada baadi goobayeen.

Talìyaha qeybta Booliska Gobolka Galgaduud Gaashaanle Dhexe Sharmaake Cabdul Warsame oo ay  wehlinayeen Taliyaha Saldhigga Degmada Caabudwaq Dhame Farxaan Xuseen Xassan iyo Taliye Xigeen Saldhiga Degmada laba xidigle Bilaal Xasan Cali  ayaa sheegay in dadka la qabtay ay ku wareejiyeen Ciidamada Xoogga dalka qeybta 21aad.

Ragga laamaha ammaanka Soomaaliya ay qabteen eek u eedeysan dilka Ninka Ganacsada ahaa ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay.

1-Haamuush Aadan Dheer

2-Nasteex Bashiir Tiite

3-Cali Cabdi Dhicis

4- Cabdi Caarif

5-Jaange Gacmo Baaste.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa horay uga dhacay dilal la xiriiray aanooyin qabiil, iyada oo dadkii dilalkaas geystay qaarkood la qabtay halka kuwo kale la baadi goobayo.