Ciidamada Dowladda & kuwa Galmudug oo degaan dagaal kula wareegay

Ciidamada Qalabka sida, kuwa amniga Galmudug iyo kuwa amniga deegaanka Bacaadweyn ayaa galabtay weeraray saldhigyada kooxda Alshabaab ay ka samaysteen agagaarka magaalada Camaara.

Ciidamada Galmudug ayaa la wareegay saldhigii kooxda Al-Shabaab, waxaana Wasaaradda Amniga Galmudug Galmudug sheegtay inay halkaas ay kala gaddoomeen dhimasho badan iyo dhaawac.

Wasiirka Amniga Galmudug oo jiidda hore ee dagaalka ku sugan ayaa ugu hambalyeeyey ciidamada amniga guusha ay dagaalkii galabtay ka soo hooyeen, asagoo bogaadiyey kaalinta geesinimada leh ee dadka reeer Bacaadweyn ay muujiyeen.