Meydka laba Dhalinyaro ah oo lagu arkay muqdisho iyo xaalad kajirta

Wararka aan ka helayno xafaad ka tirsan degmada warta nabada ee gobolkaani banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in laba nin oo dhalinyaro ah, islamrkaasna loo shakisanyahay in ay ka tirsan yihiin ciidamada nabad sugida maydkooda lagu arkay xaafada xamar jadiid ee degmada warta nabada

Dadka degan xaafada xamr jadiid ayaa saakay waxa ay kusoo tooseen meydka labada nin, kuwaasi oo aan ilaa iyo hada la xaqiijin cida ay yihiin

Wararku waxaa  ay sheegayaan in goobta uu meydka yaalay ay gaareen ciidamo ka tirsan ku nabad sugida dowladda faderaalka soomaaliya kuwaasi oo dadka ka celinaya halka uu meyd yaalay

Magaalaada muqdisho waxa maalmahaan kusoo badanayay dilal qorsheysan iyo qaraxyada waxaana xusid midan in shalay kaliya qaraxyo iyo dilal muqdisho looogu geeystay xildhibaano hore iyo askar katirsan ciidanka dowladda

dilalkaasi waxa intooda badan dhabarka u ritay dagaalamayaasha al-shabaab kuwaasi oo sheegay in dagaalyahano katirsan ay dilalkaasi iyo qaraxyadaasi ka dhacay muqdisho ay fuliyeen