Booliska Soomaaliya oo kala Eryay dad dhigayay banaanbax looga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo

Banaanbax looga soo horjeedo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhacay dagmooyinka Wadajir iyo Dharkiinleey ee magaalada Muqdisho.

Dadka banaanbaxaya dhigayay ayaa waxaa ay wateen boorar lagu xardhay sawirka Madaxweyne Farmaajo, isla markaana lagu qoray Erayo ay kamid yihiin ( FARMAAJO WAA QARAN DUMIS) iyo erayo kale.

Warar aan helayno ayaa sheegaya in ciidamada dowladu ay rasaas ku kala eryeen dadkii banaanbaxayay kana soo horjeeday xukunka Madaxweyne maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Horay meelo kamid ah magaalada Muqdisho waxaa uu ka dhacay dibadbax ay dhigayeen dad la soo ababaulay, kuwaas oo kasoo horjeeday madaxweynaha balse ay Ciidamada dowladda ka hortageen.