Al-Shabaab oo Joojiyay dhoofinta Xoolaha loo kala gudbiya Boosaaso & Beledweyne

Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa joojiyay Dhoofinta Xoolaha ee Iskaga kala Goosha Magaalooyinka Boosaaso Puntland iyo Magaalada Baladweyne ee Hir-shabeelle

Wararka ayaa Sheegayo in Al Shabaab 20kii Bishaan ay ugu yeereen degaanka Buulafalay oo ka tirsan Gobolka baay ku dhawaad 70 Kamid ah Ganacastada Xoolaha dhoofiyo ee Gobolada dhaxe islamarkaan ay ku Amareen in ay joojiyaan Xoolaha loo dhoofiyo Magaalada Boosaaso ee Puntland loona wareejiyo Dhanka Magaalada Caasimada ee Muqdisho iyo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbaland

Isla Maanta ayey ila Xog ogaal ah Sheegeen inu dhaqangalay Amarkaan islamarkaan ay Al-Shabaab Degaanka buqaqable ku qabteen qar kamid ah Ganacastada Xoolaha oo baladweyne u soo waday Xoolo dhoofin ah oo laga rari rabay Magaalada Baladweyne

Hayeeshee Shabaab ayaa la Sheegay inay Soo Saareen Amaro Culus La xiriiro Cidii jebiso Amarkooda.

Saraakiil kaTirsan Wasaarada Ganacasiga Hir-shabeelle ayaa warkan Xaqiijiyay, iyada oo dhankale xalay Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Cilmi Xiish Oo la hadlyay mid kamid ah idaacadaha Maxaliga ah ugu digay Gancastada inay qaataan Amarka Al shabaab Sida uu hadalka u dhigay.

Waxuuna dhanka kala Amarkan kasoo baxay Al shabaab imaanaa Xili dhaqaqaayo Ciidan ay ka wadaan degaano badan kaTirsan Dowlad Gobleedka Hir-shabeelle Si Gaar ah Gobolka Hiiraan islamarkaan degaano Cusub lagu arkayay Dagaalyahanada Saacadahii ugu dambeeyay.