Shirkado tartan loo gelinayo Keenista iyo Qeybinta Raashiinka Ciidamada

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdi Kooshin ayaa ka qeybgalay  Xafladda Furitaanka Qandaraasyada Keenista iyo  Qeybinta Raashiinka iyo Shidaalka Qeybaha amniga Qaranka Soomaaliyeed , oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Maaliyada.

Sidoo kale  Munaasabadda Furitaanka Waxaa ka soo qayb galay  wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliyaasha Ciidamada Qalabka.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji oo Munaasabadda ka qeybgalay  ayaa sheegay in loo baahanyahay in tartanka si daah-furan loo qaado , isagoo Xusay in Shaqada loo tartamayo loo qaban-doono Ciidamada Qalabka Sida loogana baahanyahay Shirkadda ku guuleysata in ay dhowrto tayada Cuntada , Xil gaar ahna ay iska saarto fulinta heshiisyada lala galay , isagoo Xusay in wasaaradda maaliyadda iyo Gudiga loo Xil saarayna looga baahanyahay in  si cadaalad ah ay u kala Xulaan shirkadaha.