Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay howlgal Ciidan oo ku wajahan Soomaaliya

Kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen Baarlamaanka dowladda Turkiga ayaa waxaa ay ku ansixiyeen Qaraar ku saabsan in mudda sannad ah lagu kordhiyo Hawlgalka  Ciidamada Turkiga ee ku sugan xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.

Baarlamaanka Turkiga ayaa dood adag ka yeeshay, iyaga oo ugu dambeyn ansixiyay, waxaana qorshahaas uu ahaa mid mudooyinkii dambe socday oo ay wadeen Madaxda Turkiga.

Howlgalka Ciidamada turkiga ay ku joogaan xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed ayaa ku ekaa 10-ka Bisha soo socota ee febaraayo 2021, balse waxaa haatan la gaarsiiyay inay sii joogaan ilaa 10-ka Febaraayo sanadka 2022.

Qaraarka Baarlamaanka Turkiga ee muddo kordhinta Ciidamada kajooga xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed ayaa waxaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sugida amniga Maraakiibta iyo doonyaha Ganacsiga Turkiga ee mara Gacanka Cadmeed.

Ciidamada Turkiga ee jooga Xeebaha Soomaaliya ayaa siwyen u ilaaliyaha Maraakiibta iyo doonyaha Ganacsiga ee lag leeyahay dalka turkiga si aysan ula kulmin weerarada ay marraka qaar fuliyaan kooxaha Burcad badeeda wallow sanadihii ugu dambeeyay ay yaraadeen.