Maamulka Gobolka & Booliska Haramcad oo howlgal fulinaya

Saraakiisha booliska Dowlad Gobleedka Hir-shabeelle, maamulka gobalka iyo xildhibaano Ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa kor meeray fariisinka ciidmaada Haramcad ee jooga Baladweyne.

Madaxda kormeerka ugu tagay ciidmada Haramcad waxa kamid ahaa Co-Xasan Dhicisow Taliyaha Ciidamada Booliska Hirshabelle, Gudoomiyaha Gobalka Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiye ku xigeenka Gobalka, saraakiisha kale ee ciidamada iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle.

Masuuliyiinta ayaa saraakiisha ciidmada Haramcad kala hadlay sugida amaanka iyo sidii ay ciidmadu isaga kaashan lahaayen arimaha amaanka Baledweyne.