Dowladda Soomaaliya oo wafdi u dirtay gobolka Gedo

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda  xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa waxaa ay Maanta gaareen degmada Dooloow ee gobolka Gedo, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa kamid ah, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Warfaafinta iyo saraakiil ciidan, waxaana ay halkaasi kula kulmeen Maamulka degmada Doolow iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmadaas.

Intaasi kadib Wafdiga ayaa u gudbay dhinaca degmada Beled-Xaawo ee gobolka gedo, iyaga oo halkaasi u tegaya qiimeynta khasaaraha gaaray shacabka, halkaas oo dhawaan ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda & kuwa Jubbaland.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Beled-Xaawo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayay la kulmi doonaan, iyaga oo sidoo kale booqan doona saldhigyada Ciidamada dowladda ee degmadaasi Beled-Xaawo.