Jabuuti oo ka hadashay Go’aankii Guddiga IGAD ee DFS iiday

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha dibadda Jamhuuriyada Jabuuti ayaa looga hadlay go’aankii ka soo baxay guddigii xaqiiqo raadinta Urur gobolleedka IGAD ee loo saaray muranka dhinaca xudduuda ah ee u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya.

Dowlada Jabuuti ayaa sheegtay in go’aanka ay soo saareen guddiga uu ahaa mid dhax dhaxaadinmo ah isla markaana howlasha guddigan ay ku timid kaddib go’aan ay sidaa ku gaareen madaxda urur gobolleedka IGAD iyo ruqsad laga heystay labada dowladdood ee Soomaaliya iyo Kenya.

Hadalka Dowlada Jabuuti ayaa imaanya xili dhawaan Dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay guddiga IGAD inay warbixintooda ku saleeyeen oo kaliya xigashada hal dhinac isla markaana uu ahaa mid aan dhex dhaxaad ahayn.