Puntland iyo Jubbaland oo ku baaqay shir deg deg ah

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa ay soo saareen War-Saxaafadeed wadajir ah oo ay uga hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Muranka ka taagan doorashooyinka dalka maadaama mudada xilheynta Madaxda sare ee dowladda uu gebo-gabo yahay.

War-Saxaafadedka ayaa waxaa ay siweyn uga hadleen heshiiskii doorasho ee Madaxda Dowladda & dowlad goboleedyada Muqdisho ku gaareen 17-kii Bishii September, kaas oo dhaqan geli waayay iyo caqabadaha ka horyimid.

Labada Maamul oo xalay soo Magacaabay gudiyada doorashada Heer Dowlad goboleed ayaa waxaa ay sheegeen in maalmihii la soo dhaafay ay socdeen kulamo looga hadlayo muranka doorashooyinka oo ay wadeen beesha Caalamka, gaar ahaan uu horboodayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, Jemis swan.

Ugu dambeyn Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa ay ku baaqeen in la qabto shir deg deg ah 30 bisha January 2021 si loo xaliyo arrimaha hor taagan doorashada.