Banaanbax ka bilaawday meelo kamid ah Magaalada Muqdisho

Ciidamada ammaanka DFS ayaa saakay xiray waddooyinka soo galaya Taalada Daljirka Daahsoon si halkaas oo uu ka socdo dibadbax uu abaabulkiisu leeyahay maamulka Gobolka Banaadir  laguna taageerayo kuraasta Aqalka sare uu Madaxweyne Farmaajo u saxiixay Gobolkaan.

Gaadiidka ay isticmaalaan Booliiska ayaa lagu jaray qaar kamid ah waddooyinka, Gawaarida & Mootooyinka ayaa la celinayaa, waxaana dadka loo ogol yahay in ay lug ku maraan jidadkaan u xiran Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka.

Mas’uuliyiin u badan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dibadbaxa ka qaybgalaya, waxaana intooda badan lagu wadaa in ay jeediyaan khudbado ay ku taageerayaan go’aanka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku saxiixay kuraastaan oo bilooyin kahor Baarlamaanka u codeeyay.

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa go’aankaan u cuksaday meelmarinta Golaha Shacabka ee 27-kii June 2020 balse tan iyo xiligaas waxa uu horyaallay Madaxweyne Maxamed Farmaajo oo dadka dhaliilsan siyaasaddiisa ku sifeeyeen in uu la eeganayay dhammaadka muddo xileedkiisa.