C/raxmaan Cabdi Shakuur oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame kana mid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay noqotay mid gacanta u sheegay dad gaar ah.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Siyaasaddii arrimaha dibedda dalkeena waxey noqotay mudac uu Madaxweyne Farmaajo cid walba ku mudo.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Siyaasaddii arrimaha dibedda dalkeena waxey noqotay mudac uu Madaxweyne Farmaajo cid walba ku mudo. Warqad wiifta ah iyo war degdeg ahna lagu tebiyo. Intii go’aan la soo saarayey ma jirin masdar uu ka soo fulay iyo marjic loo celiyo. Ma jirto meel ay gole wasiirro, gole amni qaran, guddiyo arrimo dibadeed iyo gaashaandhig ee labada aqal ee Baarlamaanka iyo gole wadatashi qaran midkoodna talo ku lahaayeen.

Siyaasadda arrimaha dibedda waa in ay dan qaran ku qotontaa, dowladduna waa in ay saaxiib soo kasbataa ama cadaawad soo dhintaa, ma aha in ay subax walba saaxib lumisaa ama cadaw soo kasbataa.