Booliska Soomaaliland oo Wariye xiray

Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa xabsiga dhigay Wariye Maxamed Bidhaanshe oo kamid ah Wariyeyaaha ka howlgalla Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Sababaha lo xiray  Wariyaha ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay, kadib markii uu wareysi ka qaaday Col Faysal Falaalug oo ah sarkaal hoggaaminaya jabhada ka soo horjeeda somaliland ee SSC.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan Booliska Magaalada laas-caanood ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay jiraan Warbixino kale oo uu baahiyay, isla markaana sidaasi lagu xiray.

Wariyeyaasha ku sugan magaalada laas-caanood iyo Ehellada Wariyaha ayaa waxaa ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in lagu siidaayo ama Maxkamad lagu geeyo hadii dambi loo heysto.

Soomaaliland ayaa waxaa ay kamid tahay meelaha ugu daran ee lagu xiro Wariyeyaasha, iyada oo sanadihii ugu dambeeyay la xiray Wariyeyaal dhowr ah, kuwaas oo qaarkood la xukumay.