Dowladda oo Amar kusoo rogtay Milkiilayaasha Gaadiidleyda Muqdisho

Wasaaradda gaadiidka & Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya & taliska ciidanka ilaalada Nabadgelyada wadooyinka ayaa siwadajir ah u soo saaray amar Milkiile yaasha Gaadiidka dalka ka Shaqeeya lagu farayo  inay bixiyaan Canshuurta waddo marista.

Taliyaha Ciidanka ilaalada Nabadgelyada wadooyinka Janeraal Maxamed yuusuf Madaale ayaa sheegay in Gaari kasta oo aysan dowladu laheyn in uu bixiyo Canshuurta  waddo marista.

Waxaa uu sheegay in Gaariga cidii doonta hala haatee, sida Golayaasha Dowladda, Aqalka sare & saraakiisha Ciidamada laga doonayo bixinta Canshuurta hadii uu dhex-marayo Waodoyinka Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay hubin ku sameyn doonaan gaadiidka xamuulka qaada ee ka Shaqeeya dekadda si loo hubiyo badqabka gaadiidka iyo in lagu aamini karo hantida Shacabka Soomaaliyeed.