Guddoomiyaha Gobolka Sanaag oo ka badbaaday isku day dil

Koox hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaaday hoyga Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland Cali Xuseen Soomaali, weerarkaas oo uu ka badbaaday.

Kooxa hubeysan ayaa rasaas ku furay guriga Guddoomiyaha, waxaana goobjoogayaal sheegeen in wax khasaaro nafeed ah ka dhalan rasaastaas marka laga reebo burbur ka dhashay.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland Cali Xuseen Soomaali o la hadlay Warbaahinta waxaa uu sheegay in raggii weerarka kusoo qaaday ay baxsadeen, isla markaana aan weli la aqoonsan.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in laamaha Amniga dowlad goboleedka Puntland ay Magaalada Badhan ka bilaabeen howlgal lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay weerarkaas.